Gudaha
Guddiga Qaran ee qaban-qaabada toddobaadka xorriyadda oo kormeeray goobaha loo asteeyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Qaran ee qaban qaabada maalmaha xorriyadda iyo midnimada ayaa galabta kormeeray Tuulada Cayaaraha Dalka ee Stadium Muqdisho oo ka mid ah goobaha loo asteeyey munaasabadaha cayaaraha loogu dabaaldegayo maalmaha xoriyadda.
Sidoo kale, xubnaha Wasiirrada ah ee ka tirsan Guddiga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka la daawaday kulan ka mid ah wareegga 2-aad ee cayaaraha Horyaalka Dalka.
Guddiga qaban-qaabada toddobaadka xorriyadda iyo midnimada ayaa wada qaban qaabadii ugu dambeysay ee ay ugu diyaargarowbayaan usbuuca xorriyadda ee 26-june iyo 1-da Luulyo, 2026, waxaana jiro doona dabaaldegyo waa weyn oo ka kala dhici doona gudaha dalka iyo dibadda intaba.


La wadaag



