Gudaha
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay guddiga qabanqaabada xuska maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana gudanaya mas’uuliyadda dowladda ka saaran xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada dalka, waxa uu magacaabay Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ee sanad-guuradii 66-aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo 1960.
Guddigan ayaa mas’uul ka noqon doona diyaarinta, isku-dubbaridka iyo hirgelinta munaasabadaha lagu xusayo maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Waajibaadyada kale ee guddiga waxaa ka mid ah xiriirinta hey’adaha dowladda iyo dhammaan dhinacyada kale ee ka qeyb qaadanaya dabaaldegyada, jaangoynta iyo maareynta kharashaadka ku baxaya xuska, magacaabista guddi heer farsamo ah oo abaabula munaasabadaha kala duwan, iyo sugidda amniga goobaha lagu qabanayo xafladaha iyo munaasabadaha la xiriira xuska.
Xubnaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa kala ah:
- Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) – Guddoomiye
- Wasiir Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) – Xubin
- Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) – Xubin
- Wasiir Khadiijo Maxamed Al-Makhzuumi – Xubin
- Wasiir Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) – Xubin
- Wasiir Axmed Macalin Fiqi – Xubin
- Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud – Xubin
- Wasiir Maxamed Cabdiqaadir Cali – Xubin
- Wasiiru Dowlaha Xirsi Jaamac Gaani – Xubin
- Wasiiru Dowlaha Maxamed Cali Xagaa – Xubin
- Wasiiru Dowlaha Nuura Mustaf Guudoow – Xubin
- Guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) – Xubin
- Agaasime Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool) – Xoghaye
La wadaag


