Gudaha
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta (NUSOJ), Mudane Cumar Faaruuq Cusmaan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xorriyadda saxaafadda, fududeynta helitaanka xogta ee wariyeyaasha, iyo horumarinta guud ee saxaafadda Soomaaliya si loo taageero warbaahin xirfad leh, mas’uul ah, isla markaana bulshada si hufan ugu adeegta.
Gabogabada kulanka waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah oo lagu xoojinayo horumarka warbaahinta, kor u qaadista xirfadaha suxufiyiinta, ilaalinta badqabka saxaafadda iyo doorkooda wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.


La wadaag



