Gudaha
Bulshada Cabudwaaq oo soo dhoweeyay doorashada Qof iyo codka ah

Muqdisho,(SONNA):- Bulshada degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa soo dhaweeyay diwaangalinta doorashada qof iyo codka ah ee Dowladdu ay waddo.
Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen qaybo ka mid ah bulshada ayaa waxaa kasoo qayb qalay Odayaasha Dhaqanka, Siyasiin, Culimada, Dhallinyarada iyo Haweenka waxayna sheegeen inay dooranayaan masiirkooda ama dadka matalaya bulshada.
Xukuumadda DanQaran ayaa dadaal xooggan gelineysa sidii shacabka Soomaaliyeed talo ugu yeelan lahaayeen cidda hoggaamineysa una heli lahaayeen xuquuqdooda in la doorto ama wax doortaan.


La wadaag



