Gudaha
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

MUQDISHO(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin iyo baraarujin bulsho ah oo ka dhacay xarunta degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray U-diyaar-garowga munaasabadaha Todobaadka Xorriyadda, Bilic-soo-celinta iyo Adkeynta amniga.
Kulanka oo ay sidoo kale kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Ku-xigeenkiisa Arrimaha Bulshada, Xildhibaano, Agasimayaal, Waxgarad iyo marti sharaf kale, ayaa shacabka lagu boorriyay inay si weyn uga qayb qaataan dabaal-degyada toddobaadka xorriyadda, iyadoo la xusay muhiimadda ay leedahay muujinta midnimo, waddaniyad iyo taageerada horumarka dalka.
Kulanka oo guudmar ku sameeyay dib-u-dhiska iyo bilic-soo-celinta degmada Shingaani, oo ay mashaariic ka socdaan dhammaan waddooyinka degmada, halka xarunta degmada dib loo dhisay, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan qurxinta degmada iyo dayactirka guryahooda si loo xoojiyo bilicda degmada qadiimiga ah.
Dhanka kale intii uu kulanka socday ayey bulshada degmada Shingaani billad-sharafeed waxa ay ku guddoonsiiyeen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo dib-u-dhis ku sameeyay xarunta Maamulka degmadaasi tan iyo burburkii.
Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin wax-qabadka muuqda iyo hoggaaminta himilada ku dhisan ee Dr. Muungaab, oo ay ku ammaaneen in uu si cadaalad ah ugu adeegayo bulshada Caasimadda.
La wadaag



